Ra’iisul Wasaaraha XFS oo taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida kala hadlay xoojinta amniga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka oo uu kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada dagaallanka argagixisada. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sh. Muuddey.