Wasaaradda arimaha dastuurka XFS oo Dhuusamareeb ka daah furtay shirka wadatashiga dastuurka dalka

Wasaaradda arimaha dastuurka dowlada Federaalka Soomaaliya oo kaah-shaneysa Wasaaradda dastuurka Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ka daah furay  wadatashi iyo aragti wadaag  socon doona mudo sadax maalmood ah, kaasi oo ku saabsan wacyigalinta dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan bandhiga baahinta warbixinta dib u eegista dastuurka ee la uruuriyay intii u dhexeysay ( 2017-2020 )

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dastuurka Galmudug, Omar Ahmed Sheikh Adan oo ugu horeyn wadatashigan u furay xubno laga soo uruuriyay qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa xusey in ujeedada wadatashigan tahay sidii bulshada loo gaarsiin lahaa waxa qabsoomey mudadii lasoo wadey xog uruurinta, isla markaana loo heli lahaa heshiis bulshadu u dhantahay oo ku qotoma, shareecada Islaamka, dhaqanka suuban iyo xeerarka caalamiga ah.