Ra’iisul Wasaaraha XFS oo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.