Maxkamadda darajada koowaad ee Gaalkacyo oo xukuno ku riday seddex ruux oo eedaysanayaal ah.

Maxkamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xukun isugu jira ganaax lacageed iyo xabsi ku riday saddax ruux oo ku eedeeysnaa ka ganacsiga khamriga kuwaas oo ay ciidamada amniga Puntland kasoo qabteen Dagmada Jarriiban ee gobalka Mudug.

Xeer ilaaliyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdifitaax Maxamed Aadan ayaa maxkamada ka hor akhriyay eedeeymaha loo heysto sadaxda dhalinyaradaa ee maxkamda la horkeenay
eedeeysanyaasha oo maxkamada horteeda ka hadlay ayaa qirtay in ay galeen danbiga lagu soo eedeeyay iyagoona codsaday in xukunkooda loo khafiifiyo.

Intaasi kadib gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta gobalka Mudug ayaa maxkamada darajada koowaad ee gobalka Mudug horkeenay saddax eedeeysane kuwaas oo ay xeer ilaalintu kusoo eedeeysay in fal kufsi ah ay ka geysteen deegaanka Bacaadweyn ee dagmada Galkacyo ee Puntland iyadoona xeer ilaaliyaha maxkamada gobalka Mudug Cabdifitaax Maxamed Aadan uu soo oogay kiiska loo heysto.

Dood dheer kadib gaba gabadii gudoomiyaha maxakamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo cabdi naasir maxamed cali uu ku dhawaaqay xukunka iyadoona lagu xukumay dil toogasho ah.