WAXTARKA IYO NAFAQADA BASASHA LAGA HELO

Basasha waxa ay ka mid tahay khudaarta aan beerano wayna kala duwan yihiin xagga muuqaalka , dhadhanka iyo urtaba, waxaana laga helaa wadankeenna dhammaan noocyada ay ka kooban tahay, balse waxaa ugu wanaagsan midda dhuu-dhuuban lehna kuleylka, caalamkana wuxuu isticmaali jiray muddo dheer.

Sida lagu sheegay qur’aanka kariimka marka uu ka hadlayay NABI MUUSE (CS) qoomkiisa in ay ku yidhaahdeen ALLE noo waydii waxa aan beeranno sida bashasha , waxa sidoo kale ay ku wayneed basashu faraacintii MASAR oo ay ku wareejin jireen11 gidaarka AHRAAMTA ku jirta waxayna marin jireen taaso ay rumaysnaayeen in ay durbadiiba naqaska ka soo saarayso marka dib loo soo nooleeyo, dhakhaatiirtooda waxay cuno ugu dhigi jireen dadka ka shaqeeya AHRAAMTA si ay daalka ugu ilaaliso.

Haddaba waxaan ka hadalnay waxtarka ay leedahay basashu oo quburo fara badan caalamka daafahiisa ku noolna wax ka qoreen, balse haddii aan eegno khuburadii hore waxay wax ku dawayn jireen dhirta cayriin ah iyo iyadoo bisil intaba waxtar wayn ayay u leedahay aadamigu sida iyadoo ka hortagta waxyeelada biyaha iyo difaaca sunta, dheefshiidkana way xoojisaa.

Sido kale, waxa loo qaataa xoojinta taranka, balqamka way kala goysaa, guntima guntimadu dhiigana ama xir-xiranka dhiiga ku dhaca halbowlayaasha way fur-furtaa, karinta basasha waxaa lagu daweyaa qufaca, xabad xiranka waliba waxay wax ka tartaa dhabar xanuunka, miska xanuunka, biyaha basasha iyo malabka marka laysku daro oo lagu qoosho indha kuusho waxay wax u tartaa indhaha oo daciifa iyo biyeynta indhaha, sidoo kalana  laguna dhibciyo biyaheeda dhegaha maqalkooda yaraada ama malaxi ay keento iyo daadka ka yimaada dhegaha intaba dawo ayay u tahay.

Basasha waxay furtaa cuntada waxay wanaajisaa dhadhankeeda waa marka hilib lagu kariyo, waxey dawo u tahay cagaarshowga kaadidana way badisaa, dhagaxaantana way burburisaa, caado xiranka dumarkana waa loo qaataa.

Inta la soo sheegay waxaa laga helaa basasha marka la kariyo ama marka la huuriyo, NABI MOHAMED (CSW) waxaa uu yiri in la kariyo ayaa wanaagsan oo waxay baabi’isaa karinta urteeda, waliba waxa u sii raaciyay qofkii soo cuno basal cayriin ah ama toon yuusan noo imaan masjidka.
sidoo kale waxaay u wanaagsan tahay calool xanuunka, waxaay badisaa dhiiga cas ee bini’aadamka.
Faa’idooyinka Basasha intaa laguma soo koobi karo, iyadoo inta badan nooca casaanka ah la kariyo kan caddaanka ahna sidiisa loo isticmaalo waxaana lagu dhex cunaa noocya khudaar ah iyagoo lagu darro liin dhanaanta.

WQ: Cabdiweli Axmed Daljir