Wiil oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya oo xabsiga laga sii daayey

Wiil oo uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Al -Qadaafi ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tripoli, sida ay sheegeen ilo -wareedyo amni.

Al-Saadi Gaddafi, oo 48 jir ah ayaa  waxa lagu sii daayay go’aan ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Liibiya iyo ansixinta Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibeh.

Al-Saadi,ayaa ahaa maareeyaha dhaqdhaqaaqyada isboortiga dalka xilligii Qaddaafi isaga oo sidoo kale ka ciyaarayay kooxda kubadda cagta qaranka Liibiya.