SABABIHII BURBURKA SOOMAALIYA (Qeybtii 4aad)

Ka hor intii aanay ciidamada soomaaliya ka soo bixin dhulkii ay ka qabsadeen Itoobiya ayaa waxaa shir hiillo afka ah waxaa qabtay ururka Jaamacadda Carabta oo uu horboodayey Madaxweynihii dalka Masar Anwar Al sadaat wuxuuna ku baaqay dowladda soomaaliya in ay dhammaan ciidamadeeda ka saarto dhulka ay ka qabsatay Itoobiya isagoo ka doigaya qatarta ku soo fool leh ee huwanta WARSAW ee ay hor socotay dowladdii Ruushka .

Sadat wuxuu ka cabsaday in Soomaaliya laga qabsado dhul iyo ciidan laguna wareejiyo Itoobiya oo weliba u badan dhulka hadda lagu magacaabo Somaliland .

Maadaxweynihii Soomaaliya ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre wuu aqbalay arrintaas maadaama aysan jirin Soomaaliya meel kale oo ay ka heleyso hub iyo saanad militari maadaama Ruushka u uku wareegay dhinaca Itoobiya .

Lagama fiirsan xilligaas in tartiib ah loola heshiiyo Ruushka farsamana lagu saaro ama ay ku joogaan wuxuuna xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaana ku baaqay in Kuuba iyo Ruushka ay dalka isaga baxaan.

Si degdeg ah ayey ku baxaeen laakiin hub iyo awood militari ayey ku wareejiyeen Itoobiya si fiican ayeyna ugu dhiseen ciidanka si ay isaga caabbiyaan ciidamada soomaaliya ee ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxay ciidamada Soomaliya hubkii cuslaa uga soo tageen gudaha itoobiya magaalooyinka kala ah: Qabridaharre, Godey, Jigjig aiyo Dhagaxbuur.

Hub gacmeed badan ayey la soo lugeyeen waxayna habqankoodii la soo galeen degaanka soomaalida.

Hub badan ayey ka gateen shacabkii iyo dadkii reer miyiga ee degaanka Soomaalida iyo kuwii gudaha Itoobiya maadaama ay ahaayeen ciidamo soo jabay oo cago jiid ah si ay nafta ugu ceshadaan.

Masaafo dheer ayey soo lugeeyeen mana helin taakuleyn waxayna murugo iyo qalbi xumo ka qaadeen duullaankii hore ee ay ku qaadeen Itoobiya .

Saraakiil mucaarad ah ayaa ka sameysmay ciidanka soomaalida gudihiisa waxaana si qalad ah lagu laaayey ciidamo kala duwan oo isugu jira dabley , alifley, saraakiil xigeen iyo saraakiil kuwaas oo lagu dilay inta u dhaxeysa Jigjig aiyo Hargeysa.

Waxaa qalbigooda laga saaray qaranimadii iyo daacad u shaqeyntii mar haddii geesiyaal ay jecel yihiin ciidamada hortooda lagu dilay waxaana ciidamada dhexdooda ka abuurmay mucaarad xoog leh oo ka soo horjeeda dowladnimada waxaana la sii abuuray magacyo saddex saddex xaraf ah oo qabiilka ku shaqeeya oo laga dhigay qaab jabhadeed.

Waxaa xoogeystay mucaaradkii dowladda gudaha iyo dibedaba hubka iyo tababaradana waxaa ka kaalmeeynayey dowladda Liibiya oo ay isku dhaceen dowladda Soomaaliya waxayna saldhigyo ka dhigteen gudaha Itoobiya , gudaha soomaaliayana waxay ka qoran jireen ciidanka ay u baahan yihiin .

Aakhirkii waxaa fakaday saraakiil sarsare oo dowladda xuddun u ahaa kuwaas oo ku biiray mucaaradka , dowladina waxay bilowday in ay qaab qabiil ula dagaasho .

Ma habbooneyn in qaabkaas loo wajaho mucaaradka mana aheyn in siyaasi dan leh dartiis loo beegsado beel soomaaliyed oo qeyb ka ah qaranimada soomaaliya waxayna xaaladdaasi gaaraty in ciidamadii dowladda ku duulaan gobolo iyo degmooyin soomaaliyeed iyadoo lagu weerarayo hubkii ay wax ku lahaayeen.

Waxaa fashil ku noqday dowladda , dhibaatadii jirtayna sii kordhiyey weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen degaanadii ay ka soo jeedeen mucaaradka.

Waxaa lagu amaray saraakiisha ciidamada in ay burburiyaan waxyaabaha aasaaska u ah nolosha dadka sida duminta baraagaha , duminta ceelasha biyaha , qalashada xoolaha iyo fara xumey degaanadaa gabdhaha loogu geysanayey kuwaas oo lagu abuuray dowlad naceyb ka dibna gacan siiyey mucaaradka.

La soco qeybta Shanaad

W/Q: Abwaan Gabayre