Saldhiga Booliiska Magaalada Dhuusamareeb oo dib u dayactir lagu sameeyay

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad goboleedka galmudug sida Xildhibaano, wasiiro, Maamulka Degmada, Saraakiil Booliis iyo Ururada Xaafadaha Dhuusamareeb ayaa ka qeyb galay Munaasabada  Xarig looga jarayay Xafiisyo cusub  oo lagu soo kordhiyay Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb, isla markaana ka kooban xafiisyo gaar ah oo uu ku shaqeynayo taliska Saldhiga kuwaa dib u dayactir lagu sameeyay

Taliyaha Saldhiga Booliiska, G/le Maxamed Xasan warsame ayaa ugu horeyn Xafiiska kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta ka qeyb galay Xaflada, waxa uuna umahadceliyay Bulshadii gacanta ka geyssatay hirgalinta dhismaha Xafiiskan Cusub

G/sare Khaliif Abdulle Maalin, Taliyaha Qeybta guud ee Booliiska Galmudug ayaa Masuuliyiinta ka qeyb galay kulanka ka Cod saday in si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha Xabsi Cusub oo uu yeesho Saldhiga, taasoo uu sheegay in baahi weyn looqabo

G/sare Khaliif Abdulle Maalin, Taliyaha Qeybta guud ee Booliiska Galmudug ayaa Masuuliyiinta ka qeyb galay kulanka ka Codsaday in si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha Xabsi Cusub oo uu yeesho Saldhiga, taasoo uu sheegay in baahi weyn looqabo.