WAA IN AAD GUUL KA GAARTAA DHANKA DHAQAALAHA IYO NOLOSHA

Samee hadaf dhaqaale ama maaliyadeed (Gool):-

Taa macnaheedu waa in aad lahaataa hadaf (gool) dhaqaale oo sanadle ah, mid labo sano ah, mid Shan sano ah, adigoo adeegsanaya qiyaas tirsamaysa iyo mudo go’an.

sanad kadib meeqa ayaad rabtaa in ay hantidaadu gaarto? laba sano kadinna? shan sano kadibna?

Tusaale ahaan waxaan rabaa in aan sanadkan shaqeeyo 5000$ ama waa in aan gataa guri, ama beer, ahdaaftan waa kuwo la qiyaasi karo.

Marwalbo oo uu hadafkaaga sareeyo oo aad kafakareyso dhaqaalahaada uu sara u kacaa waxaa aad hiigsaneyso waad garan kartaa .

Dakhligaaga billaha ah laba jibaar:-

 Waa in aad qorsheyaasa in aad laba jibaarto dhaqaalaha ku soo gala bishii ama dakhligaaga billaha ah sadexdii sano ba mar, oo hadii bishii aay ku soo geli jirtay 200$ sadex sano kadib waa in aad gaarsiisaa 400$, hadii kale waa tahay nin fashilmay {aan guulaysan}

Marwalba oo aad qorsheeso in aad laba jibaarto dhaqaalaha ku soo gala  oo aad wax meel ka dhigato,       waxa aad gaareysaa hadafka aad kaleedahay dhaqaalaha oo haddii ay ahaan laheed in aad noqoto milyo neer ama sikale oo aad u isticmaasho dhaqaalaha sanadlaha ama bilaha ku soo gala.

Laban lab hantidaada :-

 Hanta guud eed haysato waa inaad labo laabtaa shantii sanoba mar , manta hantidaadu meeqa ayeey dhan tahay? shan sano kadib waa in ay labo lab noqotaa , tani waa qiyaasta ugu yar ee guusha maaliyadda.

Marwalba oo aad kafakarto laba laabidda daqliga ku soo gala waxa aad gaareysaa hadafka aad markaas hiigsaneyso sababtoo marwalba oo aad laba laabto hantidaada waxa aad noqoneysaa qofka yoolkiisa kadhabeeyey oo meeshii uu hiigsanaayey gaaray.

Bixi sadaqo joogto ah:-

Bixi sadaqo joogto ah :  waxaa fiican inay leedahay waqti go’an sida sadaqo maalinle bille, ama todobaadle ah,

“ sadaqo maal ma nusqaamiso “ sidaa waxaa yiri xabiibkeena muxamad (scw), sadaqadu waxay damisaa carada rabi, waxa barakaysaa maalka, waxay celisaa balaayadda.

Kadhig sadaqadaada mid joogto ah oo le waqti , xabiibkeenu ( scw ) wuxuu yiri : “ camal waxaa ugu khayr badan kan joogtada ah haba yaraadee “ .

Marwalba oo aad sadaqada baxsato waxa aad faa’iideysaa ajar farabadan oo xagga Allah kuu jiro sababtoo ah sadqada waxbadan ayey faa’iido u tahay oo ay kamid yihiin in ay cadowga kaaxijaabto, sharta laguu maleegaayo aad kaga bad baado sadqada iyo waxwalba oo shar ah ayey kaadifaaceysaa.

Sadaqada aad baxsaneyso waa in aysan kaa noqon istus tus sababtoo sadaqada waxaa loo baahan yahay in ay noqoto mid adiga kuu qaas noqoto uu Alle aaqiro ajarkeeda ku siiyo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan