DHOWRISTA DEGAANKA WAA MID LOO BAAHAN YAHAY

Marka la eego sida loogu baahan yahay dhowrista degaanka iyo dhirta waa mid uusan ka maarmin noolaha oo dhan oo ku tiirsan dhirta .

Waxtarka geeduhu waa mid aad u sarreysa marka aan ka soo qaadno sida loogu isticmaalo nolosha adduunka waxaa laga helaa faa’idooyin isugu jira in la harsado oo cadceedda laga harsado, dugsi laga dhigto marka ay dabeylo kacaan.

Meeliba Meesha ay ka geedo badan tahay waa ka nimco iyo barwaaqo badan tahay waxaana laga helaa dhismaha guryaha laga dhisto , daaqa xoolaha ay daaqaan si cad iyo caano looga helo, miraha laga gurto geedaha laftooda iyo dabka oo laga soo saaro siiba nooca madagta loo yaqaano.

Meeshii geeduhu ku yaallaan oo dhirtu ku badan tahay xilliga xagaayaha iyo roobabka dabaylo kama kacaan, meeliba Meesha ay ka deegaan wanaagsan tahay wey ka nolol wanaagsan tahay.

Dadka reer guuraaga ah waxay ku ootaan guryaha iyo xoolaha si aan dugaagu ugu soo dhicin waxaana harsada dadka, xoolaha iyo duurjoogta waxayna ka helaan nolol wanaagsan.

Xooluhu wey ku naaxaan Meesha degaankeedu marka uu roobsato xooluhu aad ayey ugu cayilaan waxaana laga helaa waxyaabo kale oo lagu nafciyo , xoolihii oo caano iyo subag badan laga helo iyo dadka oo aad ugu noolaada.

Degaanku waa mid aad faa’ido u leh marka la ilaaiyo , dad ayaase jira nabaadguur ku sameeya degaanka taasina ma aha arrin wanaagsan ee waxaa wanaagsan in loo ilaaliyo degaanka sida loo ilaaliyo xoolaha iyo beeraha sababtoo ah haddii aan geedo jirin lama helayo daaq wanaagsan iyo dhul bacrin ah waxaana dhulka ka soo saara macdanta iyo kheyraadka aadka u faraha badan waa geedaha iyo roobka , dhirtaas oo ah mid noocyo fara badan u kala baxda .

Qaar waxaa laga goostaa tiirarka guryaha lagu dhisto, alwaaxda iyo looxaanta kuwa laga sameeyo ,

Xagga magaalada waxay faa’ido u leedahay dugsiga degaanka si aysan dabaylo uga dhicin, xoolaha oo marka ya soo daaqaan lagahelo caano iyo hilib , dhuxusha iyo dhamaan tiirarka lagu dhiso guryaha carshaanta ah.

Xagga miyiga waxay ka helaan marka ay dhirtu barwaaqowdo xoolaha ayaa ku naaxa daaqa , xeryaha ayaa lagu oodaa si aan bahalku u cunin , beeraha ayaa iyagana lagu oodaa si aan duurjoogta iyo xooluhu u cunin.

Tiirarka iyo dhigaha aqalada ayaa la sameeyaa, meyraxdana waa laga diirtaa.

Si kastaba ha noqotee, geeduhu waa kuwa ugu nafciga badana adduunka waxaana dhibaato in dhirta la jaro ama la gubo oo la xaalufiyo degaanka.

Miyi iyo magaalaba waa kuwo aan laga maarmin oo ay si weyn ugu tiirsan tahay nolosha aadanaha waana in la ilaaliyo dhirta maadaama ay leedahay faa’idooyinkaas waaweyn ee aan soo sheegnay.
WQ : Abwaan C/salaam Axmed Gabayre