XIKMADO LAGA DHAXLAY FAYLASUUFIYADII DUNIDA SOO MARAY

  1. Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub.

    2. Haddii aad adigu adiga noqoto, oo aanad isku dhererin ama la tartamin cid kale, waxaa hubaal ah in aad qof kasta tixgelin ka heli doonto. (Lao Tzu).

    3. Haddii aad dhamaytirnaan raadiso naftaadu abidkeed raalli noqon mayso. (Leo Tolstoy).

    4. Qof kastaa waa waxa uu isu ekeysiiyo, sidaa awgeed ka taxaddar waxa aad isu ekeysiinayso (Kurt Vonnegut).

    5. Qofka noloshiisu waxa ay qiimo leedahay inta uu qiimo ku kordhinayo nolosha dadka kale. waa jacayl, saaxiibtinimo iyo naxariis. (Simone de Beauvoir).

    6. Ogoloow in wax kastaa kugu dhacaan, samaan iyo xumaanba, laakiin yaanay kaa waabin in aad hore u sii socoto, adiga oo aan dareemayn in aad dhammaadkii joogto. (Rainer Maria Rilke).

    7. Deeqsinimada waxa aan u aqaannaa, marka uu qof waxa uu rabo ku ku bixiyo wax kasta oo qaali agtiisa ku ah, ee haddana uu weli aaminsan yahay, in qiime aad u yari kaga baxay (Simone De Beauvoir).

    8. Ma jiro qof weli faqiir ku noqday wax uu bixiyey awgii. (Anne Frank).

    9. Qof kasta masuuliyad akhlaaqeed ayaa ka saaran in uu caasiyo sharciyada caddaalad darrada ah. (Martin Luther king Jr.)

    10. Haddii aanad adigu Istaraatijiyad lahayn, waxaad qayb ka noqonaysaa Istaraatijiyad qof kale dejistay. (Alvin Toffler).

    11. In sida aad tahay iyo itaalkaaga, u noolaato nusqaaniba ha ku jirto ee, ayaa ka fiican in aad ku noolaato iska-yeel-yeelka nolosha qof kale, xitaa haddii ay dhamaystiran tahay. (Bhagavad Gita).

    12. Caruurta quluubtoodu waa nadiif laakiin dharkooda ayaa wasakh ah, dadka waaweyna dharkooda ayaa nadiif ah, laakiin qalbiyadoodu waa wasakh, kuwo Allah (sw) badbaadiyay mooye.

    13. Awood uma lihid  inaad bedesho  muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan, laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.

    14. Ha isku mashquulin hana ka fekirin gefkii shalayto, waayo berri waa fursad kale oo aad ku sixi kartid intii shalay qabyada kaa ahayd.

    15. Ha ku dadaalin inaad dhisato guri weyn oo aad ku noolaato, laakiin ku dadaal inaad dhisato guri aad ku noolaato oo xasiloon oo ay ka dhex iftiimayso akhlaaq wanaagsan iyo Allah ka cabsi;.

    16. Tartanka u dhaxeeya Libaax & Deero, marar badan waxaa guuleystay Deerada sababtoo ah Libaaxa wuxuu u ordayay oo keliya cunto, Deeraduna waxay u ordeysay Nolol. Xusuuso: Ujeedo (hadaf) ayaa aad uga muhiimsan Baahida. Ha noqon qof cunto keliya u orda;.

    17. Ha ku raacin muuqaal, way ku qaldi karaan. Ha ku raacin dhaqaale, wuu dhamaan karaa. Dooro qof farxad kuu keeni kara sababtoo ah dhoolacadeyn keliya ayaa maalin mugdi ah ka dhigi karta iftiin;.

    WQ; Cabdisalaan Maxamed Yaasiin (Sadiiq)