Ciidamada amniga oo howlgal ka sameeyay magaalada Jowhar

Ciidamada amniga ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga saakay waxay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafadda Hanti-wadaag oo xalay weerar bam loo adeegsaday uu ka dhacay.

Ciidammada ammaanka ayaa sameeyay baaritaanka, waxayna saaraakiisha hoggaamineysay howlgalka ay sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay, islamarkaana ciidamada amniga si wanaagsan ula dhaqmeen dadka deegaanka.

Howlgalka ayaa ku soo aaday, xilli xalay lagu dhaawacay saddex xildhibaan weerar bam ah oo lagu qaaday guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag.

Magaalada Jowhar ayaa dhawaan martigelineysa doorashada xildhibaanada golaha Aqalka sare ku matali doona maamulka Hirshabeelle.