Maraykanka oo cuno qabateyn kusoo rogay xubno ka tirsan Sirdoonka Iraan

waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay cuno qabateyn ku soo rogayso afar xubnood oo ka tirsan laamaha sirdoonka ee dalka Iiraan,afarta qof ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen afduub muwaadin haysta dhalashada Maraykanka kaas oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Iraan, ninkan ayaa ka mid ahaa kooxaha dhaliila Xukuumadda Tehran.

Afarta qof ee Iiraaniyiinta ah ayaa bishii July magaalada New York lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin afduub qorsheysan oo loo geystay wariye aan la magacaabin iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Iraan kaas oo dusha ka hagayey hawlgalka sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Alireza Farahani.

Farhaani ayaa la sheegay inuu u xil saaran yahay beegsashada dadka ku nool dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Canada, iyo Imaaraadka Carabta ee mucaaradka ku ah Xukuummadda Tehraan.