Madaxweynaha ku-xigeenka Hirshabeelle oo lagu soo dhoweeyay Jowhar

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Mas’uuliyiinta madaxweyne ku-xigeenka socdaalkiisa ku wehlineysay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo xubno kale, kuwaas oo jowhar u tegay dardar gelinta howlaha doorashooyinka.