Xukuumadda New Zealand oo argagixiso ku tilmaamay fal lagu weeraray dad rayid ah

Ugu yaraan lix qof ayaa dhaawacmay, kadib markii nin ku hubeysan tooreey uu weerararay dad ku sugnaa dukaan weyn oo ku yaal magaalada Auckland ee dalka New Zealand, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Boliiska ee dalkaasi.

Booliiska New Zealand ayaa toogasho ku dilay ninkaasi kadib markii ay ku weerareen isla goobtii uu ka sameeyay falalkasi bahalnimada ah.

Ninka geystay weerarka ayaa la tilmaamay in uu sannadkii 2011 uu iska dhiiibay ama qaxooti ku tagay dalka New Zealand,isla markaana uu ka soo jeedo dalka Sri Lanka.

R/wasaaraha dalka New Zealand ayaa weerarkaasi ku tilmaantay fal argagixiso,inkastoo warar soo baxay goor hore ay sheegeen in falkaasi uusan lug ku laheyn argagixiso.

“Waxa maanta dhacay waa wax laga yaqyaqsoodo, waa nacayb, waa khalad,” ayay tiri R/wasaaraha Neew Zealand.

Ninkaasi ka dambeeyay falkaasi ayaa lagu waramay in uu taageersanaa kooxda Daacish