Ururka 8-aad oo tababar ku soo qaatay dalka Turki ayaa lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Wasiir Dowlaha Amniga XFS iyo Taliye ku,xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo ay wehliyaan Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey ururka 8-Aad ee Kumaandooska GorGor iyo Gabdhihii ugu horeeyey ee ka mid noqonaya ciidanka  Ciidanka Booliska gaarka Haramcad oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga.

Masuuliyiinta ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay si hagar la’aan ah ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed,Dowladda Soomaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dhismaha Ciidanka iyadoo dhinaca kale gobolada dalka ka wada abaabul dagaal oo dalka looga xoraynayo Argagixisadda Al-shabaab.