Wasaaradda Caafimaadka dowalad Goboleedka KGS oo Baydhabo Ka Furtey Shir Socon doono Mudo Labo Maalmood ah

Shirkan ayaa Loo Qabtey iskuduwayaasha Wasaaradda ee Gobolada iyo Degmooyinka KGS Waxaana Ka qeybgaley Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaad ka KGS Madaxda Hay’ada ACF oo Wasaaradda Kala Shaqeysa Horumarinta Adeegyada Caafimaadka

Shirka ayaa inta uu socondoono looga Hadli Doonaa Waxqabadkii iyo Wadashaqeynta Hay’adan iyo Wasaaradda,Balaarinta Adeegyada Caafimaad iyo Qorshayaasha Sanadaha soosocda ayaa Lagu Falanqeyn doonaa Maalmaha Kulamadan ay socdaan .

Mohamed Abdi Haji oo ka socday Hay’ada ACF ayaa Ka qeyb galayaasha Usharaxay ujeedada Kulanka iyo Waxyaabaha Laga doodi doono isagona shegay in shirka inta uu socdo diirada lagu saari doono Horumarinta Adeegyada Caafimaad deganada koonfur galbeed

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka KGS Osman Abdi Muuse Oo Shirka Furey ayaa  Kahadley Muhiimada ay leedahay in La Xoojiyo Wadashaqeynta iyo in Adeegyada Caafimaad Lagaarsiiyo Gobolada iyo Guud ahaan Degmooyinka Koonfur galbeed soomaaliya