Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka dhan ah Argagixisada ka sameeyay buuraha galgala

Ciidanka Amniga Puntland ee Puntland iyo ciidanka Daraawiishta ayaa hawl-gal wada-jir ah oo lagu sugayo amniga ka sameeyay deegaanada kala ah Il , Camayra, Ceel-unkud, muguc iyo Karin-dawaco.

Hawlgalkan ayaa sidoo kale lagu baacsanayay firxadka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya Buuraleyda Galgala.

Ciidamada ayaa intii ay howl-galladaasi ku jireen waxay gacanta ku dhigeen agab ay isticmaali jireen oo ay halkaasi uga carareen Argagixisadu.