Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga deganada Galmudug

Ku simaha madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid ayaa Shir Guddomiyay Shirki Amniga Galmudug oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Galmudug,Shirka oo ay ka so qayb galeen qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida Iyo Amisom, Booliska, iyo Nabad sudiga, ayaa waxaa awood lagu saray sugida Amniga Galmudug iyo sidii howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado kooxda argagixisada Al shabaab.

“ Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo kuwa Galmudug waxay maalmahan so socda qaadi doonan guluf kaas oo ay Galmudug uga si fayn doonan Khawaarijta Alshabaab “ ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid

Madaxweynaha ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Dani oo xili loo bahna garab istaagtay Dowlada Galmudug waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Argagixisada Al Shabaab.

Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeen ayaa u mahaceliyay Shacabka Gobolka Mudug sida ay isku garab istaagen Ciidamada Qalabka sida sido kale waxa uu ugu baqay Shacabka Gobolka Galgaduud iyo Guud ahaan Galmudug in Ciidamada la Garab is taago.