Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wargalisay inay talaalaan dhammaan shaqaalohooda

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka duulaysa saameynta caabuqa  cudurka faafa ee Covid’19 oo hirkiisii sedexaad uu ku faafaayo gudaha Soomaaliya iyo talooyinka Wasaaradda ee la xiriiray in dadka soomaaliyed ka foojignaadaan caabuqaan halista ku ah caafimaadka bini’aadamka sidoo kale ay qaataan Talaalka caabuqa covid19 si ay u badbaadiyaan noloshood’’ ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ay soo saartay wasaaraddu.