Garoonka diyaaradaha Kabul oo lagu weeraray gantaalo

Tiro gantaalo ayaa maanta markale lagu soo weeraray goobo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Caasimadda dalka Afgaanistaan,inta la xaqiijiyey shan gantaal ayaa kusoo dhacay Kabul.

Lama sheegin in khasaare kasoo gaaray Ciidamada Maraykanka ee sugaya amaanka garoonka diyaaradaha, balse sida la xaqiijiyey hanaanka Difaaca maraykanka ee garoonka ku rakiban ayaa qabtay shanta gantaal.