13 Mareykan ah iyo 72 Afganistaan ah oo ku dhimatay qaraxyadii Kaabul

Ugu yaraan 72 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul, sida laga soo xigtay maamulka isbitaalka iyo sarkaal ka tirsan Daalibaan oo ku sugan caasimadda Afghanistan.

13 askari oo Mareykan ah ayaa sidoo kale lagu dilay qaraxyadii shalay,kuwaas oo ka qeybqaadanaayey daadgureynta dadka doonaya in ay ka baxaan garoonka magalada Kaabul ,isla markaana daneynaya in ay ku noolaadaan dalal kale,sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan Taalibaan.

Qaraxa lala beegsaday ciidamada Mareykanka waa kii ugu xumaa ee hal maalin soo gaara ciidamada Mareykanka ee jooga Afgaanistaan ​​tan iyo bishii Ogosto 2011-kii, markii la weeraray diyaarad helicopter ah,taas oo ay ku dhinteen 30 ruux.

Weerarkii shalay waxaa sheegtay kooxda Daacish, laanta Afgaanistaan,waxaana Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku hanjabay inuu ka aargoosan doono kooxdaasi.