Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo soo gabo gabeysay shir looga hadlayay horumarinta Beeraha Dalka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tababarka ku casuuntay Wasaaradaha Beeraha ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug.

Tababarka oo socday inta u dhexeysay 22-26 August ayna bixinayeen Mudane Cabdixamiid Salaad Xasan iyo Cabdulxaliim Axmed Xirsi oo ah khubaro wax ka dhiga Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka ee Jaamacadda U3madda Soomaaliyeed ayaa ku saabsanaa qaab Beerashada adkaysiga u leh Abaaraha, khubarada waxayna uga hadleen qaabka ugu wanaagsan ee loola dagaalami karo isbedelka cimilada iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo waro iyo keydad biyo xireen oo lagu tacban karo beeraha.

Dr Maxamed Rashiid oo ah Hormuudka Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay inay muhiim tahay inay iskaashadaan Aqoonyahanada ku takhasusay Cilmiga Beeraha, wuxuuna sheegay in Wadanka Soomaaliya dhanka beeraha laga dhigi karo mid horumarsan oo waxkasta lagu tabcan karo.

Mudane Nuur Yuusuf Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhawaajiyay in tababarada loo sameynayo beeraleyda Soomaaliyeed la kordhin doono, isagoo sheegay in loo baahanyahay inay sifiican iskugu xirmaan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaadaha Beeraha ee Maamul Goboleedyada Dalka, ayadoo laga faa’ideysanayo Cilmiga Aqoonyahannada Beeraleyda Soomaaliyeed.