Turkiga oo qayb ka mida Ciidamadiisa kala baxay Afgaanistaan.

Dufcaddii ugu horreysay ee ciidammada Turkiga oo laga soo daad-gureeyay dalka Afghanistan ayaa ka degay caasimadda dalkaas Ankara, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines,diyaaraddii ugu horreysay oo siday askar Turki ah oo go’aansatay in laga soo daad-gureeyo Afghanistan ayaa ka degtay Ankara 11.45 am xilliga maxalliga ah (0845GMT), ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Turkish Airlines.

Ciidanka la soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 345 askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Turkiga.

Qabsashada Talibaan ee Kabul toddobaadkii hore ayaa sababtay mowjad daad-gureyn ah iyada oo la sii mariyay gegida dayuuradaha ee Kabul, qorshaha daad-guraynta ayaa ku eg 31 -ka bishanAugusto

xuquuqda:anadolu agency.