In ku dhow 100 ruux oo u dhintay cudurka Covod 19 ee ka jira Waqooyi Bari Kenya

Saraakiisha caafimaadka ee Waqooyi Bari Kenya   ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay cudurka Covid 19 ay u dhinteen ku dhowaad 100 ruux,kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka.

Sarkaal u hadlay maamulka Gaarisa ayaa sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus oo suurtaal ah in ay kor u sii kacdo saa,eymtiisa.

Sarkaalku, wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmadaan dadka halkaasi, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.

Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanaya.