WararkaGudaha Wasaaradda Duulista Hawada oo qabatay kulan looga hadlayay howlaha Hay’adda Duulista

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa qabatay kulan muhiin u ahaa horumarinta hay’adda Duulista Rayidka, Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), Mudane Cali Jaamac ayaa guddoomiyay kulan uu soo qaban qaabiyey madaxa waaxda Air Transport-ka Mahad Farax.

Kulanka oo lagu soo bandhigay shaqada ay Waaxdu qabato iyo qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo adeegyada Waaxda ayaa waxaa si faahfaahsan u sharraxay adeegyada Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah hawlwadeennada Waaxda.

Qodobada kulanka lagaga hadlay waxa ugu muhiimsanaa;

1. Xeerar nidaamyada tayaynta dhaqaale ururinta iyo wada shaqaynta shirkadaha diyaaradaha.
2. Heshiisyada laba geesoodka ah ee lala galo waddamada kala duwan, gaar ahaan kuwa aynu jaarka nahay.
3. Tirakoobka gaadiidka Cirka ee goosha hawada Soomaaliya iyo uruurinta xogtooda.