Kulanka Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta looga hadlay Amniga iyo Imtixaanka fasallada 8-aadka

Garoowe- Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Imtixaanka Fasalka 8-aad iyo xaaladaha guud Gobollada Puntland.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan hannaanka Nabadgelyo ee deegaannada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ku booriyay hay’adaha Nabadgelyada inay xoojiyaan amniga guud ahaan Gobollada Puntland, isagoo dhankale hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda dhameysatay fasalka 8aad.