Taalibaan oo Turkiga ka codsatay inay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul

Kooxda Taalibaan ayaa weydiisatay Turkiga kaalmo farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye, laakiin Taalibaan ayaa ku adkaysaneysa in milatariga Ankara ay sidoo kale si buuxda uga baxaan Afghanistan dhammaadka bishan Ogosto.

Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo Tuki ah, codsiga ay shuruuddu ku xirantahay ee Taalibaan ayaa imaanaya kadib markii ay dib ugu soo noqday awoodda Afgaanistaan 20 sano kadib markii uu dhammaaday duulaankii Mareykanka, ayaa Ankara uga dhigeysa go’aan adag oo ku saabsan inay aqbasho shaqada halist ah, haddii aysan ciidankeedu Afghanistan sii joogi doonin.

Dalka Muslimka ah ee Turkey ayaa qeyb ka ahaa hawlgalka NATO ee Afghanistan, walina waxaa garoonka diyaaradaha ee Kabul ku sugan boqolaal askari, waxaana saraakiishan ay sheegayaan inay diyaar u yihiin inay wakhti kooban uga baxaan Afghanistan.

Laakiin xukuumadda Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa hore u sheegtay muddo bilo ah inay joogi karto garoonka haddii laga codsado, waxaana Turkigu uu kaalmo farsamo iyo mid amniba ku taageeray garoonka diyaaradaha kaddib markii Taalibaan ay gacanta ku dhigtay dalkaas.

“Taalibaan waxay codsatay taageero farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul,” ayuu yiri sarkaal sare oo Turki ah, isagoo raaciyay “Si kastaba ha ahaatee in Taalibaan ay dalbato in dhammaan ciidamada Turkiga ay baxaan waxay adkayn doontaa hawl kasta oo fulin u baahan”

Ma cadda in Turkigu oggolaan doono inuu bixiyo kaalmo farsamo haddii aysan ciidamadoodu halkaas u joogin si ay u sugaan ammaanka.

Turkiga ayaa ammaanay waxa ay ku tilmaameen hadallada dhexdhexaadka ah ee Taliban tan iyo markii ay qabsadeen Kabul, waxayna sheegtay inay u furan tahay inay la shaqeyso marka dowlad cusub la dhiso.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa Talaadadii sheegay in kooxdu ay xiriir wanaagsan la yeelatay Ankara.