Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay gudiyada hirgalinta Doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay kulan la qaatay guddiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal, guddiga Xalinta khilaafadka iyo xubnaha Dowlad goboleedka Jubbaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha Wadatashiga qaran.

Madaxweynaha ayaa xubnahan ku booriyay inay dar-dargaliyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.