Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan  ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha Golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Jubbaland

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday arrimo kala duwan oo ku saabsan Jubbaland ayadoo dhinaca kale golaha warbixin laga siiyay arrimaha Siyaasadda iyo doorashooyinka.

Intii uu shirka socday ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddi ay Jubbaland u saartay soo indho-indheynta goobaha laga hirgelin doono Isbitaalka Ciidanka iyo Xabsi.

Sidoo kale shirka ayaa warbixinno looga dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga, Deegaanka iyo Dalxiisa iyo sidoo kale Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.