Madaxaweynaha dawlad goboledka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo madaxa hay’ada qaramada midoobey UNFPA Mr. Anders Thomsen oo muqdisho kulan ku yeeshay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliso Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA Mr. Anders Thomsen iyo khuburo la socotay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan deegaannada Galmudug.