Bannaanbax looga horjeeday argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo

Banaanbax looga soo horjeeday argagixisada Al-Shabaab,ayaa maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Banaanbaxaan  oo ay soo abaabuleen Maamulka Magaalada,waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka degmada Gaalkacyo, Saraakiisha ciidamada, culima’udiinka, odayaasha dhaqanka dhalinyarada Haweenka iyo qeybaha kala duwan Ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo hoggaamiyaasha bulshada oo ka hadlay isu soo baxaasi  ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan  maleeshiyada Al-Shabaab,waxayna balan ku qaadeen in ay la dagaalami doonaan kooxahaasi nabad-diidka ah.