Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo kulan la qaatay wakiilka Soomaliya ee Haya’adda UNCHR

Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Muqdishu kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR Mr. Magatte Guisse oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta UNHRC iyo Dowladda gobaleedka Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa Xafiiska Hay’adda ay dhawaan ku yeelan doonto Caasimadda Dhusamareeb.