Baarlamaanka Carabta oo ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay mudnaan siiyaan xiriirka walaaltinimo

Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu si hoose ula socdo isbeddelka ku  yimid xiriirka diblomaaasiyaadeed ee dowaladaha Aljeeriya iyo Marooko, kadib markii Aljeeriya ku dhaawaqday inay cilaaqaadka u jartay dowladdda Marooko.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa loogu baaqay labada dowladood inay mudnaanta koowaad siiyaan xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay khilaaf kasta oo jira ku dhameeaan miiska wada hadalka sida ugu dhaqsiyaha badan .

Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa  lagu soo gabagabeeyay in laga sugaayo madaxda labada dowladood inay adeegsaaadan xikmad si ay uga gudbaan dhibaatada taagan.