Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la qaatay madax ka socotay bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda XFS  mudane C/raxmaan Ducaake Beyle ayaa manta xarunta wasaaradda ee Magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeesdhay Kristina Svensson oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, Mashruucayada horumarineed ee bankiga uu ka wado Soomaaliya iyo dadaalada Wasaaradda Magaalada ee ku aadan sare uqaadidda dakhliga gudaha.

Kulankaasi u dhaxeeyay madaxda Bangiga Dunida iyo Wasaaradda maaliyadda,waxa uu ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah,iyadoo diiradda la saaray sidii maamulka Gandhiga uu gacan uga geysan lahaa horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.