Golaha Wadatashiga Qaranka oo la kulmay guddiyada doorashooyinka

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed oo ay ka wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo hirgelinta habraacyadii uu shalay soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranku.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku afgartay in la dar dargeliyo doorasooyinka, lana hirgeliyo habraacyadii uu Guddiga soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa dhan kale kulan la yeeshay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha BFS, iyagoo u xaqiijiyay in ay Golaha Wadatashiga Qaranka ka go’an tahay xaqiijinta matalaadda haweenka ee BFS.