Duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay xubna katirsan Al-shabaab.

Ciidamada Daraawishta Galmudug iyo Ciidamada la howlgalo ayaa Weerar Cirka ah ku qaaday Argagaxisad Al-Shabab oo weerar ku soo qaaday Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.ee ku sugan magaalada Camaara

Duqeynta ayaa aheeyd mid lagu guuleeystay waxaan lagu dilay tiro badan oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabab,waxa ayna aheyd tii sedexaad labadii Bilood ee la soo dhaafay oo lagu difaacayey dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogana hortagaayey Argagixisada Al Shabaab, iyadoo wax qasaaro ahna soo gaarin Dadka Rayidka ee ku nool degaankaas.

Ciidamada xoogga dalka ayaa sii wadi doono in si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan Dadkooda ilaa Qatarta Al-Shabab la cirib tiro, Dadka Soomaaliyeedana ku nooladaan wax baqdin ah oo uga imaanayo Argagaxisada Al-Shabab.