QoorQoor oo casho sharaf u sameeyey Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Midowga Musharaxiinta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa caawa casho sharaf ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta taas oo masuuliyiinta kala duwan fursad u siisay in isla qaadaa-dhigaan go’aanadii ka soo baxay Shirkii Gollaha Wadatashiga oo ay war saxaafadeed ka soo saareen Musharaxiinta