Tahriibayaal lagu qab qabtay xeebaha Dalka Tuniisiya

Ciidanka ilaalada xeebaha Tuniisiya ayaa soo qab qabtay 11 kooxood oo Tahriibeyaal ah kuwaas uu 129 ka mid ahi u dhasheen dalka Tunuusiya halka 30 oo kalena u dhasheen dalalka Afrikada kale.

Dadka ayaa ka kala baxay Dekedda Taguemess,Chebba,Sfax iyo Kelibia sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda difaaca Tunuusiya.

Tahriibeyaasha ayaa loo soo qaaday dhinaca Dekedda Menzel jemil waxaana la wareegay Ciidamada qaranka Tunuusiya oo sanaddahan la tacaalayey tahriibayaasha sharci darada ah oo halkaas ka dhigtay marin ay uga sii gudbaan dalalka reer Yurub.