Talaalka COVID19 oo lagu amaray in ay qaatan shaqaalaha Dowladda.

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada XFS oo daahfuray talaalka ayaa ku dhawaaqay in shaqaalaha dowlada Soomaaliya ay Waajib ku tahay inay qaataan talaalka Cudurka Covid 19 maadaama looga baahan yahay inay si joogta ah u shaqeeyaan.

Kullankan oo lagu daah-furayay Talaalka Covid19 ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo ay si wadajir ah uga soo wada qeyb galeen Wasiiradaha Wasaaradaha Caafimaadka, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka.

Hirgalinta qaadashada Talaalka ayaa waxaa iska kaashan doona Wasaaradda Caafimaadka,  Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada iyo guddiga Shaqaalaha Rayidka.

U jeedka qaadashada talaalka ee Shaqaalaha Dowlada ayaa looga gol-leeyahay in la yareeyo qatarta cudurka Covid 19 iyo sidoo kale in shaqaaluhu si toos u bilaabaan shaqada Dowlada iyada oo laga cabsi qabin cudurka Covid 19.