Kulan looga hadlay dastuurka Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

Kulankaan oo loo qabtay qeynaha bulshada ,waxaa looga hadlay hubinta iyo taageerada ansixinta Dastuurka cusub ee joogtada ah ee Soomaaliya kaas oo muddo 3-cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Kulankaasi waxaa laga soo saaray , baaq ku aadan in la hubiyo,lana tixgeliyo aragtida dhallinyarada, haweenka, odayaasha iyo dadka naafada ah, marka la dhammaystiro dukumintiga .

“Waxaan ku rajo weynahay in marka ay dhammaadaan doorashooyinka qaranku, uu jiri doono hal madal qaran oo dib u eegis lagu sameeyo dhammaan falcelintii la helay.

Waa in madaxdu isku timaado oo ay isku raacaan si geedi -socodka dib -u -eegista dastuurka loo dhammaystiro, ”ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee federaalka.