Wasiirka Haweenka XFS oo kulan la qaadatay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta xafiiska ku qaabishay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander, ayagoo ka wada hadlay habsami u socodka doorashooyinka gaar ahaan xaqiijinta qoonddada dumar ee 30%.

Danjire Staffan Tillander, oo wakhtigiisa dhammaaday ayaa wasiir Xaniifa ugu mahadcelisay wada shaqeyntiisa muddadii uu ahaa danjiraha Sweden ee Soomaaliya, waxayna u rajaysay mustaqbal wanaagsan ka dib marka uu ku laabto dalkiisa.

Dowladda Sweden ayaa kamid ah dalalka taageera dhismaha dowladnimada Soomaaliya, si gaar ah wasaaradda haweenka iyo safaaradda Sweden waxaa ka dhexeysa wada shaqeyn fiican oo la xiriirta arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha.