Madaxweyne Dowlad Goboleedka KG oo xaflad u sameeyey xildhibaanada Aqalka sare iyo kuwa maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudae Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xaflad Madaxtooyadda Maamulka ugu sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed iyo Xubnaha loo doortay Aqalka Sare.

Xaflada ayaa isugu jirtay Mahadcelinta Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo soo dhaweynta Xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ay doorteen xildhibaanada Koofur Galbeed.

Xaflada oo si qurux badan u dhacday ayuu Madaxweyne Laftagareen ugu hambalyeeyey xildhibaanada cusub ee aqalka sare loo doortay asagoo sidoo kale uga mahadceliyey xildhibaanad Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Shaqadii adkeyd ee ay qabteen.