RW Rooble oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar

Ra’iisal wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey safiirka iyo howl wadeennada safaaradda. Ra’iisul wasaaraha ayaa safiirka iyo hawl wadeennada safaaradda ku dhiirigeliyay sii xoojinta howsha ay Qaranka u hayaan.
Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Kormeeray qeybaha ay ka koobantahay safaaradda, kalaasi oo uu kula kulmay howl wadeennadda iyo masuuliyiinta ka howl gala xarunta, waxaana uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha ayaa xarigga ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay.