Wasiirka Gargaarka oo kormeertay xeryaha barakacayaasha Buula-burte

Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaliya marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo wafdig ay hogamineysay qeybna ay ka ahayen Madaxda Hay’adaha UN-OCHA, WFP, WHO iyo UNICEF, ayaa soo garay dagmada Buulo-burte

Ujeedka socdalka wafdiga ay hogamineyso Wasiirka ayaa ahaa ukuur.geladida xaaladda beni’aadannimo ee kajirto degmada Buulo-burte, maadama degmada ay go’doontahay sideed sano.

Wasir khadija iyo wafdiga ayaa waxa ay soo kormeren goobaha ay daganyihin barakacaysha ee ku yaala duleedka degmada, sidoo kale waxa ay kormeren xarumaha ay ku shaqeyso hay’adda Mercy USA

Kormerka kadib wafdiga ayaa la kulmay maamulka Degmada Buulo-burte odayaasha dhaqanka hay’adaha ka howlgala degmada, ayadoo ka wareysatay xaaladda Degmada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.