Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku dhintay Badweynta Atlantic

Ugu yaraan 47 Muhaajiriin Afrikaan ah ayaa geeriyootay kadib markii Dooni ay la socdeen ku cilladowday Badweynta Atlantic, gaar ahaan meel ku dhow Xeebaha dalka Mauritania.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegay inay Muhaajiriinta saarnaayeen Dooni Badda sabaynaysay muddo 2 isbuuc ah.

Wargeyska El Paso ayaa qoray in 7 Muhaajiriin oo ka badbaaday Doonida laga helay Xeebaha dalka Mauritania, kuwaasi oo kala ah 6 Haween iyo hal Nin iyadoo 4 ka mid ahna ay xaalladooda aad u liidato.

Dadkan Muhaajiriinta ah ee la socotay Doontan ayaa sida la xaqiijiyay ka soo kala jeeda dalalka Mali, Senegal, Mauritania, Ivory Coast iyo Gini.

Waxaa la rumeysan yahay inay Muhaajiriintaasi oo tiradoodu ahayd 54 qof ay la socdeen Dooni bishan August 2-dii ka shiraacatay Xeebaha dalka Morocco, iyagoo ku sii jeeday Jesiiradaha Canary ee dalka Spain.