Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo koormeer ku tagay xarumo dhowr ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta dhalashada iyo sugnaanta iyo xarunta taliska ciidanka ilaalada deegaanka ee dowlada hoose Xamar.

Kormeerkan oo ahaa mid kadis ah ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu u kuurgalaye howlaha kala duwan ee xarumahaasi ka socda iyo sida loogu qidmeynaayo bulshada, isagoo warbixino kala duwan ka dhageestay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha xarumahaas.