Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo maanta booqday goobaha loogu tala galay in lagu qabto doorashooyinka

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf ayaa maanta booqday goobaha loogu tala galay doorashooyinka inay ka dhacaan xilli ay ka socdaan dib u hebeyn dhismo iyo qalabeyn maadaama la qorsheynaayo inay qabsoonto  doorashada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa goobaha uu booqday waxaa ka mid ah hoolalka loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka hoose, xarunta guddiga doorashada ay degayaan, guryaha loogu talo galay Ergada iyo hoolalka Shirarka.

Madaxweyna ku xigeenka Hirshabelle oo maalin ka Hor soo gaaray Magaalada Baledweyne ayaa kulamo ka wada magaalada Beledweyne.

Kulamadani uu la yeelanayo Saraakiisha Ammaanka iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka, waxaa kulamadaani looga hadlayay xoojinta Iyo xaqiijinta ammaanka doorashooyinka magaalada Beledweyne.