Cabdiraxmaan Cali Axmed oo araga naafo ka ah xaafidul quraana ah oo dalbaday in laga caawiyo xaalad caafimaad daro lasoo deristay

Cabdiraxmaan Cali Axmed waa 12 sano jir agoon ah araga waayay yaraantiisa isagoo halsano jira hadana quraanka kariimka kor ka xifdiya Cabdiraxmaan waxa uu hooyadiis kula nool yahay kaamka barakacayaasha ee leheli ee magaalada Xuddur.

Cabdiraxmaan intaa waxa u dheer xaalad caafimaad daro oo muddo 2 bilood ah la xanuunsan yahay, marka saxro u fariista waxa banaanka u soobaxda malawadkiisa oo afka qalaad lagu yiraahdo -rectum- deegaankaan loogu yeero “Darab”.

Cabdiraxamaan Cali Axmed iyo Hooyadiis Nuuriyo Xuseen Macalin ayaa samafalayaasha ka codsaday in laga caawiyo sidii caafimaad iyo nololba u helilahaayeen maadaama ay yihiin qoys danyar ah hadana deegaankooda ka soo barakacay.

Cabdiraxmaan waxa lageeyey isbitaalka gobolka Bakool haseyeshee dhaqaatiirta uu la kulmay waxay u soo jeediyeen in isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ama meelo ka sareysa si dhaqso ah loogu qaado inta xanuunka bilow yahay.