Madaxweynaha Puntland oo maanta xarigga ka jaray Waddada NECSOM

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Waddada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn eeĀ  Garoowe ku xira Magaalooyinka kale ee Puntland.

Waddadaan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay dowlad goboleedka Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-June 2021.